Friday 29 January 2010

Ururka Ahlu Sunna oo Maanta Doortay Xubnaha Hogaanka Guddiga Fulinta (Sawiro)

Friday, January 29th, 2010 at 03:27 pm
Gudoomiyaha cusub ee fulinta
Guriceel, (RBC Radio) Ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa maanta degmada Guriceel uga dhawaaqay guddi fulin oo ay yeelanayaan, ka dib kulan mudo labo maalmood ah uga socday magaalada Guriceel.

Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Guriceel isla markaana ay ka soo qeybgaleen xubno sare oo ka mid ah gudiga talada ee ururka Ahlu Sunna ayaa lagu doortay gudoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunna iyo labo ku xigeeno, kuwaasi oo hogaamin doona guddiga fulinta ee Ahlu Sunna.

Waxaana doorasho loo samaayey xubnaha guddigan ka qeybgaley 31 xubnood oo ka mid ah guddiga loo yaqaano “guddiga talada” ee Ahlu Sunna oo ka koban 42 xubnood, kaasi ooh ore loogu dhisay shirkii degmada Caabudwaaq ee dhacay bishii December ee tagtay.

Gudoomiyaha gudiga fulinta ayaa loo doortay Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow, iyadoo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee guddigana loo doortay Sheekh Cumar Cali Rooble.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gudiga fulinta Ahlu Sunna ayaa loo doortay Sheekh Maxamed Maxamud Yuusuf.


Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee la doortay

Doorashada ka dib ayaa hadalo ay jeediyeen masuuliyiinta loo doortay hogaanka guddiga fulinta ee ururka Ahlu Sunna waxay ku sheegeen inay sii wadi doonaan dadaalada iyo hawsha ay ka hayaan ururka.


Gudoomiye ku xigeenka labaad ee guddiga

Waxay masuuliyiinta tilmaameen in doorashadan ka dib ay u taalo shaqo adag oo ay ugu horeyso ka hortaga kooxaha ka soo horjeeda oo ay ku tilmaameen kuwi gardarro ku socda.

Doorashada guddiga fulinta ee Ahlu Sunna ayaa qeyb ka ah qorasha shirkii degmada Caabudwaaq uu ku lahaa ururka kaasi oo la soo gabagabeeyey bishan janaury horaanteeda.

Doorashadan xubnaha guddiga Fulinta ee ururka Ahlu Sunna waxay ku soo beegmeysaa xilli ururku uu dagaalo kula jiro ururada Al Shabab iyo Xisbul Islam, waxaana dagaaladii ugu dambeeyeeyey ay dhinacyadan ku dhexmareen magaalooyinka Beledweyne, Warxoolo iyo Caws weyne ooka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...