Monday 25 January 2010

Ururka xisbul Islaam oo baaq gacan haatin ah u diray ciidamadii Daraawiishta (Ex-Maxkamadaha) ee dowlada Somalia ay sheegtay in la kala diray

Madaxa warfaafinta Ururka Xisbul Islaam Shiikh Maxamed Macalin oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka war heleen xiliga ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ay damacsan yihiin iney weerar ku soo qaadaan goobaha ay fadhiyaan sida uu yiri Mujaahidiinta ee magaalada Muqdisho si ay u qabsadaan.

Waxaa uu intaa ku daray Shiikh Maxamed Macalin in horaanta bisha Abriil ee sanadkan ay qorsheeyeen ciidamada dowlada iney dagaal soo qaadaan kaasoo ay ku doonayaan iney kula wareegaan magaalada Muqdisho maalmo ka hor 12-ka Abril oo ku beegan sanadguurada aasaaska maalinta ciidanka XDS.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale sheegay in dhinacooda ay u diyaar garoobeen weerarkaasi uu sheegay iney la damacsan tahay goobaha ay fadhiyaan dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM, isagoo dhinaca kalena sheegay iney magaalada B/weyne u direen Guddi ka kooban waxgarad, odayaal iyo saraakiil ka tirsan xisbul Islaam kuwaasoo ka shaqeyn doona amaanka magaalada.

Shiikh Maxamed Macalin ayaa talaabadii lagu kala diray ciidamadii daraawiishta dowlada Somalia (Ex-Maxkamadaha) ku tilmaamay mid lagu xaqiray waxqabadkooda, wuxuuna ugu baaqay iney ka soo tagaan dowladda Somalia kuna soo biiraan mujaahidiintii walaalahood ahaa ee markii hore ay safka ku wada jireen sida uu warka u dhigay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...