Sunday 24 January 2010

Ma dhabaa in ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa ahlu suna looga saaray magaalada B/weyne sababo la xiriira khilaaf ba’an oo soo kala dhex galay?

Ka dib markii dhowaan ciidamo taabacsan culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca iyo kuwa dawladda federaalka Somalia laga saaray magaalada Baladwayne ayaa waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in arintaasi ay timid khilaaf ba’an oo soo kala dhexgalay saraakiisha culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca iyo kuwa dawladda federaalka Somalia ee dagaalka wada hogaaminayey kaasoo keenay in ciidamada xisbul Islaam iyo kuwa Xarakada al shabaab oo dagaal aan sidaa u sii xoog badneyn kula wareegaan guud ahaan magaalada.

Khilaafkaasi ayaa lagu soo warramayaa inuu salka ku hayo qaabka loo dagaal galayo iyo sida laga yeelayo goobaha ay gacanta ku dhigaan iyadoo saraakiisha Ahlu Sunna Wal-jameeca ay sheegeen inaanay jirin wax ah lug ah oo dawladda federalka ku leedahay dagaalkaasi, halka saraakiisha dawladda ee halkaasi ku suganna ay sheegeen inay dagaalka ay waddo dawladda federalka oo gacan ka helayso Ahlu Sunna Wal-jameeca.

Waxaa fashil ku dhamaaday kulamo u socday saraakiisha kala hoggaaminayso culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca iyo kuwa dawladda federalka ee gobolka Hiiraan, taasoo sababtay in markii dambe loo qeybo samo labo qeybood halka markii hore ay ahaayeen kuwo hal koox oo kaliya ah, waxayna taasi sababtay inay gacantooda ka baxda bariga magaalada Baladwayne oo ay gacanta ku hayeen.

Arrintan ayaa waxay if baxaysaa xilli labo maalin ka hor gacanta ku haynta dhinaca bari ee magaalada Baladwayne laga fara maroojiyey culimaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jameeca iyo kuwa dawladda federalka ee is garabsanayay basle ku mideysnaa magaca Ahlu Sunna Wal-jameeca ee gobolka Hiiraan, lamana oga halka khilaaflkan uu ku dambeyn doono sida ay labaad dhinac isula jaanqaadi karaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...