Monday 25 January 2010

Hol-Hol: Garaad Jaamac Garaad Cali oo gaaray Hol-Hol iyo Maamulka la baxay Somaliland oo Maleeshiyaad udiray deegaankaasi. 25. januar 2010

Hol-Hol(AllPuntland)- Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Isimada ugu caansan Puntland, ahna Isinka guud ee Beesha Dhulbahante, ayaa gaaray deegaanka Hol-Hol oo lugu qabanayo Shirweyne guud oo ay yeelan doonto Beesha Dhulbahante, kaas oo looga hadlayo xaaladaha Sool iyo danta guud ee Beeshaasi.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey deegaanka lugu qabanayo shirka, wuxuuna Garaadku la kulmay gudiga qaban-qabada iyo Odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlay xaaladaha goobta iyo sida loogu baahan yahay go'aamo wanaagsan oo ka soo baxaya shirka.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in la qaban doono wada hadaladan, oo ay noqon doonaan kuwa ay ku tashadaan Isimada Sool,Sanaag iyo Cayn, isagoo tibaaxay in ay doonayaan in ay go'aamada noqdaan kuwa khuseeya xoreynta Laascaanood.

Dhinaca kale Maleeshiyaad ka tirsan Maamulka Somaliland oo lasheegay in uu hogaaminayo gudoomiyaha gobalka Sool ee dhinaca Somaliland, kana soo jeeda Laascaanood ayaa ku sii jeeda halka lugu qabanayo wada hadalada, isla markaasna aan la garan karin sida ay xaaladu noqon karto.

Shaqsiyaad matalaya Somaliland ayaan loo ogolaan doonin wada hadaladaasi, sida lugu sheegay Warbixino ay heshay APL, maadama shirka looga tashanayo sidii Sool looga saari lahaa Maleeshiyaadka Somaliland, oo ay la socdaan shaqsiyaad udhashay gobalka Sool, oo inta badan ay dadku ku tiriyaan kuwa aan cidna matali karin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...