Saturday 9 January 2010

Garowe: Madaxweyne Faroole oo ka hadlay Waxqabadkii, Hirgalinta Balan qadkii 07-Janayo-09, Siyaasada amaanka iyo Laascaanood….Khudbadii Madaxweyne Far

9. januar 2010

Garowe(AllPuntland)-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed oo xalay xusayay sannad guuradii ka soo wareegtay markii la dhisay dawladda uu Madaxda ka yahay ayaa ka hadlay qorshayaal badan oo hortaagan dawladdiisa iyo waxqabadkii lasameeyey mudadii sannadka ahayd.

Madaxweynaha dawladda Puntland wuxuu sheegay in ay wax badan qabteen, wuxuuna soo qaaday xalinta dhibaatooyin kala gedisan oo ka jiray Puntland iyo qabashada Adeegyada bulshada oo uu sheegay in ay dawladdiisu meel wanaagsan gaarsiisay.

Madaxweyne C/rixmaan wuxuu sidoo kale soo qaaday xaajada amaanka oo uu sheegay in ay dagaal adag kula jiraan nabad diidayaal dadka uu ku sifeeyey, oo uu sheegay in ay ka soo horjeedaan amaanka ka jira deegaanada Puntland.

“ Dawladdu waxa ay mudo dheer ku howlaneyd sugida amaanka Puntland, waxa ayna wadaysaa sugida amaanka, iyadoo ay ciidamada kala gedisan la dagaalamayaan shaqsiyaad doonaya in ay burburiyaan Amaanka Puntland, kuwaas oo ka soo kala jeeda Puntland & Koonfurta Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Fulinta balan qaadyadii uu ku soo galay Aqalka Madaxtooyada ayuu sheegay in ay wax badan uga dhiman yihiin, ayna ku talo jirto Xukuumadiisu sida ugu wanaagsan ee loo hirgalin karo, isagoo lama huraan ka dhigay hirgalinta Siyaasada dawladda ee ku wajahan amaanka iyo horumarinta Puntland.

Dr. C/rixmaan wuxuu tibaaxay in aysan cidna ugu dulqaadan doonin xaaladaha ka jira Puntland, isagoo tilmaamay in ay hada dawladdu qaadatay Siyaasad cusub oo ku asteysan amaanka Puntland, taasoo ah mid lugu jabinayo cadowyada dhanka amaanka ah ee Puntland, oo uu sheegay in ay doonayaan burburinta Puntland.

Xaaladaha gobalka Sool oo ka mid ahayd qodobada aadka looga dhowrayay Madaxweyne Faroole & Xukuumadii ayaa xalay ku dhawaqay in ay Laascaanood ku soo noqon doonto gacanta dawladda Puntland, isagoo sheegay in ay marar badan ka hadleen arrimahaasi, ayna ku dadaalayaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladahaa magaaladaas, isagoo tibaaxay in ay socdaan qorshayaasha Laascaanood oo loo xilsaaray shaqsiyaad ka mid ah dawladda Puntland.

Isimada iyo Odayaasha dhaqanka ee Puntland ayuu ka dalbaday Madaxweynaha Puntland taageero wanaagsan in ay siiyaan Xukuumada iyo shaqsiyaadka loo xilsaaray sugida amaanka ee Puntland, isagoo waliba si gaar ah utaabtay Isimada oo uu sheegay in looga fadhiyo in ay doorkooda ka qaataan sugida amaanka ee deegaanada Puntland.

Khudbada Madaxweyne Faroole oo dhinacyo badan lahayd wuxuu ku soo qaaday siyaasadaha Koonfureed ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in dagaalada lugu badalo wada hadal, loogana baahan yahay qof kastoo Soomaaliyeed xalinta dhibaatooyinka ka jira deegaanada Soomaalida oo dhan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...