Tuesday 5 January 2010

Bosaso: Mudane ka mid ahaa baarlamaanka Puntland oo la dilay.

5. januar 2010

Print This Article | Daabaco warkaan
Bosaso(AllPuntland)- Mudane ka tirsanaa baarlamaanka Puntland ayaa lugu dilay magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, sida ay sheegayaan warar kala gedisan oo ka soo baxaya magaalada Boosaaso, goor dhaw oo caawa ah.

Kooxo aan la garan Karin ayaa geystay dilka Mudanahan ka tirsanaa baarlamaanka Puntland, wuxuuna ku soo jiray baarlamaanka Puntland mudooyinkii ugu dambeeyey, sida ay APL usheegeen Xildhibaanada qaarkood.

Xildhibaanka la dilay ayaa lugu magacaabi jiray C/laahi Cali Kaarad, kana soo galay Baarlamaanka dhinaca gobalka Bari laga soo doortay, isagoo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Boosaso tan iyo markii uu dhamaaday kalfadhigii baarlamaanka Puntland.

Waa xubintii labaad oo ka tirsan baarlamaanka Puntland oo la dilo, waxaana horay loo dilay Ibraahim Cilmi Warsame sannadkii hore, iyadoo isla sannadkii hore la weeraray gudoomiyaha baarlamaanka oo ka badbaaday weerar la doonayay in lugu qaarajiyo.

Lama garan karo cid ka dambeysa falalkan, inkastoo Madaxda dawladda Puntland ay qaarkood dhawaan sheegeen in falalka amni daro ee ka jira Puntland ay leeyihiin qaabab kala gedisan oo leh magacyo kala gedisam, hadana ay sheegeen in ay wadaan baaritaano.

Madaxda dawladda Puntland qaarkood ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka waday Boosaso talaabooyin ay ku sheegeen kuwa lugu sugayo amaanka, iyadoo manta oo ay ugu dambeysay ay soo baxeen go’aamo wax looga qabanayo xaaladaha amaanka ee Puntland, hadana xaajada ayaa umuuqata mid aan wali sugneyn.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...