Friday 22 January 2010

Wafdi ka socda QM oo maanta Boosaaso soo gaaray

Jimco, January 22, 2010(HOL): Mas’uuliyiin ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga DGPL.,Waxaana soo dhaweeyay masuulyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kan degmada.

Saraakiil ka socota hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Xuquuqul aadanaha oo uu hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Dr Shamsulbaari ayaa ka mid ahaa wafdigii maanta Bosaaso yimid.

Maamulka gobolka iyo wafdigiisa ayaa kulan albaabada u xiran yihiin ku qaatay Xarunta gobolka ,iyadoo ay kaga hadleen arrimo badan oo ku saabsan wada shaqaynta QM iyo Maamulka Gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Faroole oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Wafdigan ay booqan doonaan xabsiyada ku yaalla Boosaaso si ay kormeer ugu sameeyaan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta gobolka Bari.

Saraakiisha ka socota Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda Aadanaha ayaa lagu wadaa in ay warbixin dheer ka diyaariyaan dad ku jira xeryaha qaxootiyada ee ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso,oo baryihii u dambaysay ay soo food saartay xaalad cunto la,aan ah oo aad u baahsan.

Imaanshaha wafdiga ayaa ku soo beegmaysa ,iyadoo dhawaan magaalada Garowe uu ka dhacay kulan seddex maalin socday ,kaasi oo lagu lafo guray khilaaf ka dhex taagnaa Maamulka iyo hay’adaha samafalka ka howl gala gudaha Puntland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...