Saturday 30 January 2010

Xildhibaanno Muqdisho ku kulmay oo Cambaareeyay Dowladda.

Xildhibaanno katirsan baarlamanka Dowlada KMG Somalia ayaa maanta Eedayn kulul ujeediyay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Kulan balaaran oo ay Mudanayaal gaaraya 30 Xildhibaan ku yeesheen Hotelka Saxafi magaalada Muqdisho ayay ku Cambaareeyeen dowladda jirta wax qabad la’aan iyo in ay dalka gacanta u gelisay kooxo Mucaarad ah sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaan Max’med Dhaqane Cilmi Aar oo dhawaan ka fariistay hogaaminta dagaaladii Hiiraan ayaa sheegay in dowladu ay fashilantay sidaas darteedna loo baahanyahay in ay is casisho.

Mudanayaashan kulanka qaatay ayaa ku dhaliilay dowladda sanadkii tegay in ay waqtigeeda ku idlaysatay safaro iyo xilal ka qaadis wasiiro iyo Gudoomiyaashii Gobalka Banaadir.

Xildhibaan Macalin Jiis oo gaba gabadii kulankaasi lahadlay saxaafadda ayaa yiri “Dowladda waxaan ku dhaliilsanahay in aysan wax qaban sanadkii ay jirtay, ARS iyo TFG-dii hore isku gayntooda waxaa laga dhaxlay fadhiidnimo iyo in dalka ay qabsadaan Mucaarad ka daran kii hore ee madaxweyne shariif hogaamin jiray”ayuu yiri Macalin Jiis.

Macalin Jiis ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha in ay wax ka qabtaan arrimaha baahinta awoodda dalka islamarkaana ay Baarlamanku barbar taaganyihiin Dowladda isagoona uga digay madaxda dowlada in ay yareeyaan xilka qaadista ay ladaba taaganyihiin wasiirada qaar.

Ramadaan Sheekh Mohamed
RBC Muqdisho-Somalia

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...