Monday 4 January 2010

Xukuumada Somalia oo si buuxda u iclaamasiay dagaal ka dhan ah xoogaga ka soo horjeeda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho

Ra’isul wasaaraha dowlada Somaliya Cumar C/rashid Sharma’arke ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay dagaal buuxa ku qaadi doonto xoogaga ka soo horjeeda ee fadhiya inta badan magaalada Muqdisho ka dib markii sida uu sheegay ay ka rajo dhigeen wadahadal ay doonayeen iney ku dhameeyaan xaalada cakiran oo uu ku eedeeyey ijey diideen xoogaga ka horjeeda

Isagoo la hadlayey wakaalada wararka ee Reuters ayaa waxa uu intaa sii raaciyay in Ciidamada dowlada Soomaliya ay hore ugu jireen dib u habayn iyo tababaro balse hada ay diyaar u yahiin in ay dagaal lagalaan koooxaha Mucaaradka, lana wareegaan magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka Somalia.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in hawl gallada militariga ee Maraykanku ka wado dalalka Afghanistan iyo Ciraaq uu cadaadis weyn ku hayo Dagaal yahanada Alqacida ayna door bideen inay Soomaaliya gabbaad ka dhigtaan, iyagoo ka faa’iidaysanaya xasilooni darrida ka jirta dalka, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inaysan dawladda iyo shacabka Soomaliyeed marnaba oggolaan doonin arrintaasi.

“Diyaar garow badan ka dib ugu dambeyntii ciidamada dowlada Somalia waxay diyaar u yihiin illaa bishaan aaqirkeeda iney dagaal ku qaadaan mucaaradka, lana wareegaan guud ahaan caasimada Somalia magalada Muqdisho, qorshahaasina waa mid la dhameystiray haatan” ayuu intaa ku daray Ra’isul wasaaraha dowlada Somaliya Cumar C/rashid Sharma’arke

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...