
Wargeyska Addis Neger ee ka so baxa magaalada Addis Ababa ayaa qoray in 1,000 askari oo ka tirsan militariga Ethiopia ay toddobaadkan gaareen Ceelwaaq iyo Beledxaawo, kuwaasi oo ku hubeysan gawaarida dagaalka iyo kuwa ciidamada.
Wargeysku wuxuu sheegay in horey xuduuda Soomaaliya ay u joogeen 6,000 askari oo Ethiopian ah kuwaasi oo ka wardhowryey isbedelada dhinaca amniga ee gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada sii xoogeysnaya ee u dhexeeya dowlada ku meel gaarka iyo xoogaga Xarakada Shabaab.
Sii Akhri
No comments:
Post a Comment