Monday 2 August 2010

Dulmi Ka Cararkii Keenay Gooni Isku Taaga Somaliland, Mid La Mid ah Ayey Maanta Ka Gilgisheen Shacabka Reer Awdal.

Sida aan wada ogsoonahay Soomaliland maanta waxay mareysaa marxalad siyaasiyan la odhan karo wey bislaatay, oo qaladka iyo xadgudubkuba wey yaraanayaan hadii ay dhacdana la leeyahay awood iyo caqli lagu xalilo. Mudada dheer ee ay soo jirtey Somaliland waxa ay ahayd in waxa badan oo qabya ahaa ama laga tegeyba la saxo, Somaliland salkeedu iyo rukunada ay ku fadhido waa qabaail in kasta oo aan beelihi dhulka wada deganaa ayna si rasmi ah dhismaha wadankan uga wada qayb qaadan, iyaga oo aan ku qanacsaneyn wadan madax banaan oo la yidhaaho Somaliland ama saluugsan sida iyo qaabka loo dhisay Somaliland.
Labada qabiil ee runti ku guuleystey in ay dhidibada u aasaan dhismaha Somaliland waa Gadabuursi iyo Isaaq, kuwaaso ku heshiiyey, kana go’neyd in ay marxalada geedi socodka nabadeynta Somaliland ay dhinac iskaga dhigaan gorgoranka saami qeybsiga iyo xaqa ay ku leeyihiin, taas oo u muuqatay in ay tahay xasaasi iyo caqabad aan xal deg deg ah laga gaadhi doonin wakhtigaas.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...