Nairobi (RBC) Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka reer Hiiraan oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa dhinacooda qaadacay maamul labo maalmood ka hor looga dhawaaqay magaalada Nairobi kaasi oo loo sameeyey Hiiraan.
Siyaasiyiintan iyo odayaashan oo qaarkood caan ka ah gobolka Hiiraan ayaa ganafka ku dhuftay maamulka cusub ee Hiiraan State kaasi oo madaxweyne loogu magacaabay Maxamud Cabdi Gaab oo ka mid ah qurbe joogta reer Hiiraan.
Maxamed Maxamud Dhagaweyne oo mar DKMG Soomaaliya u magacwday gudoomiyaha gobolka Hiiraan haatana ku sugan Nairobi oo ka hadlay dhismaha maamulkan ayaa ku tilmaamay mid riyo ku dhisan, wuxuuna sheegay in raga maamulkan loo magacaabay ay yihiin qurbe joog aan waxba kala socon xaalada dalka ku jiro.
Read More
No comments:
Post a Comment