Wednesday 18 August 2010

Siilaanyo oo Guddi u Saaray Arimaha Sool iyo Sanaag

Nairobi (RBC) Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa guddi ka kooban 8 xubnood u magacaabay arimaha gobolada Sool iyo Sanaag ee laugu muransan yahay.


Madaxweyne Siilaanyo ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa shalay wuxuu ku magacaabay guddigii ugu horeeyey ee loo diro inay ka soo talo bixiyaan arimaha Sool iyo Sanaag oo weli dhana loo ridi la’yahay. Waxaana guddigan gudoomiye looga dhigay wasiirka arimaha gudaha Dr. Mxamed Cabdi Gaboose.

Xubnaha guddigan waxaa ka mid ah; wasiirka gaashaandhiga Axmed Cali Cadami, wasiirka duulista Maxamud Xaashi Cabdi, wasiirka ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed, wasiirka boostada C/risaaq Ibraahim Maxamed, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cisman Garad Soofe, gudoomiye ku xigeenka guurtida Baashe Maxamed Aadan iyo Fu’aad Aadan Cadde oo ka soo jeeda gobolka Sool.Sıı Akhrı

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...