Monday 17 January 2011

Al-Shabaab oo Duqeeyay Xarunta Baarlamaanka KMG Soomaaliya

Muqdisho RBC Radio) Madaafiic xoogan ayaa maanta lagu garaacay xarunta golaha shacabka Soomaaliyeed oo uu ka socday kulan ay leeyihiin mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Madaafiicdaan ayaa xoogaga Al-Shabaab ee ka soo hor jeeda dowlada KMG Soomaaliya waxa ay ku garaaceen xarunta baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Sidoo kale ciidamada AMISOM ee kusugan xarunta baarlamaanka ayaa waxa ay ku jawaabayeen madaafiic xoogan taasi oo iyana ku dhacaysay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Wali lama oga inta uu la egyahay khasaaraha uu geesteen madaafiicda xoogan ee maanta lag garaacay Xarunta baarlamaanka iyo waliba qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Madaafiicda lagu garaacay xarunta baarlamaanka wax saamayn ah kuma yeelan kulanka baarlamaanka xildhibaanada ayaa iska sii watay kulankooda.
Ma ahan markii ugu horaysay xoogaga Al-Shababaab ay duqeeyaan kulamada baarlamaanka KMG Soomaaliya ee lagu qabto magaalada Muqdisho.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...