Monday 17 January 2011

Qaar ka mid ah Ardayda ka baxday dugsiyada Sare ee Somaliland oo gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ka dib markii.. Waxaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo xarun u ah maamulka Somaliland munaasabad lagu sagootinayey qeybtii hore boqol arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada Sare ee Somaliland, iyagoo u dhoofay dalka Itoobiya, kaddib markii xukuumada wadankaas ay ka heleen deeq waxbarasho Jaamacadeed.

Waxaa lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo xarun u ah maamulka Somaliland munaasabad lagu sagootinayey qeybtii hore boqol arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada Sare ee Somaliland, iyagoo u dhoofay dalka Itoobiya, kaddib markii xukuumada wadankaas ay ka heleen deeq waxbarasho Jaamacadeed.Xafladdaasi oo ay ka qeyb galeen madax ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo iyagu khudbado kala duwan u jeediyay ardayda u ambabaxeysa magaalada Jigjiga oo ka tirsan wadanka Itoobiya jaamacad ku taalla, waxayna madaxdaasi kula dardaarmeen ardayda inaysan iska lumin fursadda qaaliga ah ee soo martay.
"Deeqda waxbarasho ee aad ka hesheen dowladda Itoobiya waxay ka tarjumeysaa fulinta heshiiska xukuumada Somaliland la gashay xukuumada Itoobiya" ayuu yiri Cali Xaamud Jabriil oo ah agaasimaha Madaxtooyada Somaliland kana mid ah madaxda iyagu dhallinyaradaasi u hoggaaminaya wadanka Itoobiya. 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...