Friday 14 January 2011

Bayaan isugu jira Canbaareen iyo digniin ayaa ka soo mamulka jaaaliyadda ogadeeniya ee ku nool wadanka mareekanka gaar ahaan gobalka minnesota .


KA: Maamulka Jaaliyada S.Ogadenya ee gobolka Minnesota.
KU: Jaaliyadaha Soomalida Ogadenya ee Qaarada Waqooyiga America/Adunka
KU: Jaaliyadaha Walaalaha Soomaaliyeed ee Qaarada Waqooyiga America/ Adunka.
OG: Jabhada Wadaniga Xoraynta S.Ogadenya (ONLF).
OG: Ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayda S.Ogadenya (OYSU).
OG: Ururka Aqoonyahanada S.Ogadenya.
OG: Ururka Odayada S.Ogadenya.
OG: Ururka Culuma aw diinka S.Ogadenya.
OG: Ururka Hooyooyinka S.Ogadenya.
Ujeedo: Fashilinta qorshayaasha Gumayiga Ethiopia 01/09/2011
Xogwaran: Waxaa maamulka Jaaliyada Somalida S.Ogadenya ee gobolka Minnesota sharaf wayn u ah inuu bulshada Somalida S.Ogadenya iyo walaalaha Jamhuuriyada Somaliyeedba uu la socodsiiyo inay jiraan warar isa soo taraya oo sheegaya in uu gacan ku dhiigle Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi iley) uu kusoo wajahanyahay wadankan maraykanka gaar ahaan gobolka Minneasota badhtamaha bishan aan ku jirno ee Janaayo (January). Dambiile Cabdi iley oo gacanyare u ah gumaysiga Ethiopia wuxuu horjooge ka ahaan jiray maleeshiyada fulisa awaamirta gumaysiga Ethiopia ee looyaqaano Liyuu police ka oo ku caanbaxday wayeelada dadka shacabka een waxba galabsanin ee Soomaalida Ogaadeeniya iyo Somalida dariska la ha wadanka S.Ogadenya.
Hadana wuxaa uu danbiile Cabdi Iley ku magacaabanyahay madaxa maamulka dabadhilifka u ah Ethiopia oo uu u qaabilsanyahay wadanka ay gumaysato Ethiopia ee Ogadeny. Sida aad lawada socotan Cabdi Iley waa shaqsi daciif ah oo ku caanbaxay dhibaatada dadka shacabka ah ee aan wax dambi ah gaysanin. Dambiyada uu galayna waxaa ka mid ah xansuuq wadareed shacab (genocide), jidhdil, kufsi, ciijin, caga juglayn, barakicin, nabaadguurid, cunaqabatayn iyo xidhay aan aabayeel lahayn isaga oo adeegsanaya maleeshayada Liyuu policeka ah oo sitoos ah uga amar qaadata ciidamada militariga Itoobiya.
Gumaysiga Ethiopia ayaa hada raba inay u soo diran dabaqoodhigan u shaqeeya qurbaha Kadib makay ku guldaraysteen talaaba kasta oo ay iskudayen inay ku hagaasiyan halganka S.Ogadenya hadaynoqonlahayn dagaal, dil,xadhig, barakicin shacab,riwaayadii nabada ee dhalanteedka ahayn iyo abaabulka beelha daga S.Ogadenya.
Canbaarayn:
? Maamulka Jaaliyada S.Ogadenya ee gobolka Minnesota waxay sikulul u canbaaraynayaan danbiyada waxshinimada ah ee ay maamul kusheega jigjiga ay u gaysanayaan dadka birima gaydayda ah ee soomalida S.Ogadenya, ayagoo ay dabadhilifyadani fulinaya awaamirta gumaysiga cadowga soomaaliyeed (Ethiopia) ee ay u adeegaan oo ah cidhib tirka muslimiinta Somalida S.Ogadenya.
? Maamulka jaaliyadu waxay canbaaraynayan dadka soo huwanaya shaatiga diinta islaamka ee isla mar ahaantaana si toos ah iyo si dadbanba ugu adegaya gumaysiga Ethiopia kana qaybqaadanaya gumaadka ka socda wadanka S.Ogadenya, ayada oo ay u adeegida gumaysiga abaasiiniya iyo ka qaybqadashada gumaadka shacabka muslimintuba ay tahay danbiyo waaway oo ay xaarantinimaysay shareecada islaamku.

? Wuxuu maamulka jaaliyadu canbaaraynayaa dadka damiirlaawayasha ah ee ayagu u ololaynaya gacankudhiiglayaasha gumaysiga Ethiopia u adeega.
Digniin:
? Maamulka jaaliyadu waxay uga digayaan Cabdi Ilay iyo daba qoodhiga jijjiga inay ka waantoobaan damacooda dhalan teedka ah ee ay ku quud daraynayan inay yimaadaan wadanka Maraykanka khaasatan gobolka Minnesota si ay qalalase iyo mushkilad uga dhex abuuraan jaaliyada S.Ogadenya una faafiyan khayaanada iyo fariinta beenta ah ee uu gumaysiga Ethiopia u soo safriyay wadamada qurbaha ee ay jaaliyada S.Ogadenya ay xooga ku leeyihiin.
? Mamulka jaaliyadu waxay uga digayaan dhamaanba jaaliyadaha S.Ogadenya ee sharafta mudan inayna ku kadsoomin qorshayaasha khayaanada ah ee uu gumaysigu u mleegayo qadiyada S.Ogadenya ee xaqa ah, Kana hortagaan cid kasta oo isku dayda inay midnimada iyo karaamada bulshada Ogadnya wax yeelayso.
? Maamulka Jaaliyadu waxay walalaha Somaliyeed ee jecel karaamada iyo xornimada Soomaliyeed uga digayaan inayna ku dhicin shabaqa uu udhigay cadowgii soo jireenka ahaa ee Soomaliyeed (Ethiopia) si uu ukala qaybiyo jiritaanka midnimada iyo karaamada bulshada Soomaaliyeed.
? Maamulka Jaaliyada S.Ogadenya waxay uga digayaan dadka kubeen abuurtay diinta Islaamka ayagoo soo huwanaya shaati diimeed islamar ahaantaana fulinya awaamirta gumaysiga Abaasiiniya inay ka waantoobaan ku been abuurashada dinta Muqadaska ah ee Islamka kana fogaadaan u adeigada gumaysiga Ethiopia.
Maamlka Jaaliyada S.Ogadenya ee Gobolka Minnesota.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...