Friday 14 January 2011

Maamulka Galmudug oo sheegay iney wadaan baaritaan ku aadan dil shalay nin ajnabi ah koonfurta Gaalkacyo loogu geystay


Wasiir ku-xigeenka warfaafinta maamulka Galmudug Max’uud Axmed Xasan (Baasto) ayaa sheegay inuu socdo baaritaan uu mamulku wado oo ku aadan dil gelinkii dambe ee shalay ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo kaasoo loo geystay nin u dhashay dalka Zimbabwe oo la shaqeynayey shirkad kaluumeysi oo magaaladaasi xarun ku leh.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay Wasiir ku- xigeenka warfaafinta maamulka Galmudug in ninkaasi ajnabiga ah markii uu hore si sharci daro ah ku soo galay kuna joogay deegaanadaasi, isla markaana maamulku uusan ka war heyn joogitaankiisa sidaa awgeedna aysan waxba kala socon amaankiisa iyo howlaha uu magaalada ka qabanayey.

“Ciidamada Booliska iyo kuwa dembi baarista ee maamulka Galmudug ayaa wada baaritaano ku aadan sababaha keenay ninkan ajnabiga in la dilo iyo cida dishay waanuna ka xunahay in dilalka noocan ah ay ka dhacaan deegaanka ciidamada amaanka ayaana ka war sugeynaa waxa ay ka soo qabtaan arintaas” ayuu intaa ku daray Axmed Baasto.
Gelinkii dambe ee shalay ayey aheyd markii nin u dhashay dalka Simbabwe oo la shaqeynayey shirkad kalluumeysi lagu dilay koonfurta magaalada Gaalkacyo kaasoo aan ilaa hadda la ogeyn sababaha loo dilay hase ahaatee waxay wararku sheegayaan in dilkaasi uu geystay nin ilaali ka ahaa shirkadaasi oo oo muran uu soo kala dhexgalay ninka la dilay, iyadoo saaka lagu wado in meydka ninkaasi loo duuliyo dalkiisa hooyo.
Source:- Daynile

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...