Friday 14 January 2011

Ciidamo Itoobiyaan ayaa la soo sheegay in ay sii hurinayaan Abaaraha ka tagaan Gobalka Hiiraan

Midnimo
 
January 12, 2011 Markacadeey


Tiro ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxa ay gabi ahaan joojiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Mustaxiil kuwaasi oo diiday in ay magalada soo galaan wax gaadiid ah .

Arrintan ayaa saameyn waxaa ay ku yeelatay gancsiga gobalka Hiiraan oo inta badan cunada looga soo daabuli jiray Mustaxiil , waxayna ku soo beegantay xilli abaaro daran ay ka jiraan gobalkaas iyo meelo kala oo badan.

Dhowr maalmood ayaa lagu soo waramayaa inay ku xaniban yihiin magaalada Mustaxiil gawaarida xamuulka keeni jiray magaalada B/weyne iyo meelo kale oo ka mid ah gobalka Hiiraan, lamana xaqiijin sababta ka dambeysa.

Maalmihii u dambeeyay waxaa qiimo korar laga dareemayay raashiinka quutul duruuriga ee suuqyada magaalada B/weyne waxaana sabab u ah xayiraada ku timid gawaaridii raashiinka soo galin jiray magaalada gudaheed.

Dadka ayaa walaac fara badan waxaa ay ka muujinayaa talaabadan xayiraada ah ee ay ku dhaqaaqeen ciidamada Ethiopia, xilli abaaro ay ku dhufteen inta badan gobalada Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...