Monday 10 January 2011

Hargeysa oo maalmaha soo socda lagu xakumayo nin Jarmal ah


Hargeysa: (Sh. M. Network) Maamulka Somaliland ayaa sheegay in sadax casho kadib Maxkamad ay soo taagi doonaan nin u dhashay dalka Jarmalka ah oo lagu eedeeyay in uu ku kacay falal ka dhan ah diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.

Xili maalmihii lasoo dhaafay Maxkamad ku taala magaalada Hargesya ay ka socotay Maxkamadaynta nin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu helay dambiyo la xiriira ku xadgudubka anshaxa iyo diinta Islaamka ayaa arimahaasi waxaa si wayn u hadal haayay shacabka reer Somaliland.

Eedaysanaha u dhashay dalka Jarmalka ayaa in mudo ah ku noolaa magaalada Hargeysa waxaana la sheegay in uu ku dhaqaaqay falal foolxun oo filimaan anshax xuma ah kaga duubay gabdho reer Somaliland ah, iyadoo markii ugu horeysay arimahaasi uu ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee Maamulkaasi.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Somaliland Xasan Aadan Axmed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in eedeysanahaani 3-maalin kadib Maxkamad lasoo is taajin doono islamarkaana lagu qaadi doono waxa ay ka qabto shareecada Islaamka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Somaliland oo ay Shabelle waydiisay su’aal aheyd wax laga yeelayo gabdhaha lasawirnaa eedeysanahaasi u dhashay Jarmalka ayaa waxaa uu ku jawaabay in iyagana laga qaadi doono talaabo waafaqsan Shareecada Islaamka, isalamarkaana 3-biri kadib lasoo istaajin doono Maxkamadd.

Hadalka kasoo yeeray Xeer ilaaliyaha guud ee Maamulka Somliland ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili arintasi ay jahwareer ku abuurta shacabka reer Somaliland taasi oo ku aadan waxa ay ku dhaqaaqeen gabdhahaasi, iyadoo qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ay dhagtoodu u taagantahay sida Maxkamadda ay u xakumi doonto Ajinabigaasi iyo Gabdhaha ku kacay falalka anshaxa xun.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...