Monday 10 January 2011

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo ku baaqday in la fasaxo Hay’adah

 


Muqdisho: (Sh. M. Network) Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa ka dalbatay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab in ay u fasaxaad Hay’adaha samafalka inay gar gaaraan dadku abaaruhu la daalaa dhacaya ee ku dhaqan gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha Hay’adda Culumaada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay manuucista Al Shabaabay ku mamnuuceen Hay’adaha gar gaarka waxaana uu sheegay in aan loo baahneen xiligaan in Hay’adaasi laga horistaago in ay ka howlgalaan gudaha dalka Soomaaliya.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad waxaa uu carabka ku dhiftay in loobaahanyahay in la fasaxo Hay’adaha samafalka, isgoo tilmaamay in hadii ay Hay’adahasi dhib wadaan loobaahnyahay in sharuud lagu xiro, waxaana uu intaasi ku daray in macquul ayan ahayn hadalka Al Shabaab ay ku mamnuuceen Hay’adahaasi taasi oo aan lahayn meel loo raaco.

Gudoomiyaha Hay’adda Culumaada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu caqab ku tilmamay in Hay’adaha Samafalka aysan gar gaarin dadka danta yar ee u baahan in la gar gaaro, isagoo sheegay in ay jiraan meelo badan aysan Al Shabaab ka talin i oo ay wali gaarsiinin gar gaar.

Horey ayaa Al Shaabab goobaha ay ka taliyaan kaga mamnuucay Hay’adihii Samaflka inay ka shaqeeyaan, waxaana baaqaani gudoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaliyeed uu kusoo aadayaa xili abaaro aad u baahsan ay ka jiraan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...