Sunday 8 January 2012

Ogadenya la mid ma’aha Somaliya, ONLF-na la mid ma’ah ururadii Somaliyeed ee hagaasay


 
Share
Maqaal: Ogadenya la mid ma’aha Somaliya, ONLF-na la mid ma’ah ururadii Somaliyeed ee hagaasay
Xuseen Xoor
Shilaabo2003@yahoo.com
Jan 8 2012
Baya’da (environment) ku xeeran umad walba iyo taariikhda shacabkaasi uu soo maray shaki kuma jiro inuu saameyn adag ku leeyahay fikirka iyo himilada uu shacabkaasi hiigsanayo. Waxayna si aad ah ugu muuqataa arintan siday u kala fikir duwan yihiin dadweynaha ku nool darfaha oo laga yaabo inay dagaal joogta ah kula jiraan cadawga uu shacabkaasi leeyahay iyo kuwa ku nool gudaha dalakaasi een waligoodba arkin dhibaatada uu cadawgaasi ku hayo shacabka darfaha dagan ee dayrka (darbiga) u ah kuwa gudaha.
Shacabka Somaliyeed ee Ogadenya ee xadka la leh qawmiyadihii ka soo duulay buuralayda Gondar iyo Tigree, waxay dagaal khadhaad kula jiraan Itobiya (Boqortooyadii Abyssinia) oo ahayd cadawga umadda Somaliyeed duulaanka joogtada ah ku haysay 2dii qarni ee tagay. Iyadoo ay qaar badan oo Somali ah u muujinayaan Itobiya saaxiibtinimo iyo kalsooni ay ku qabaan inay Itobiya u dhisi doonto qaranimadii Somaliyeed ee Itobiya qudheeda ay horey u burburisay.
Somalida Ogadenya ee halganka hubaysan kula jirto Itobiya iyo kuwa la shaqaysta Itobiya waxay kala aaminsan yihiin laba fikrad oo kala duwan. Fikrad ka hormarinaya danta gaark ah wax walba oo meel iska dhigay wixii ay horey umadda Somaliyeed u aaminsanayd ee ahayd inay Itobiya gumaysato shacab iyo dal Somaliyeed. Kuwan waxay iska dhaadhiciyeen,Itobiya hadaan lagu sasabin ka hortagga mucaaradka ka soo horjeeda dawladda Itobiya inay ku soo duulayso oy qabsanayso intii u soo hadhay. Meesha kooxda kale ay rumaysan yihiin fikrad ah inay Itobiya lahayd waligeedba ujeedo cad oo muuqda, ujeedadaasoo aanay marnaba ka leexanin.Continued

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...