Friday 13 January 2012

Taabto Dagaal ka dhacay Oo Isbedel Milateri dhaliyay.


Written by Administrator on .
iiroon.comFaah Faahin dheeri ah ayaa kasoo baxday dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay tuulada Taabto oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidanka Kenya iyo Maleeshiyaadka Soomaalida ee kusoo duulay wilaayada Jubbooyinka.

Wariyaal ku sugan Jubbada Hoose waxay shegeen in labada dhinac ay iska dileen ciidan balse khasaaruhu uu ku badanyahay dhanka ciidanka Kenya iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah.

Ciidamada Mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa weerarka qaaday kadib markii ay heleen macluumad xaqiijinaya in cadawgu kala daadsanyahay kadibna waxaa dhacay gumaad xoogan oo cadawga loo geystay.

Dagaalka oo saacado socday waxaa ka qeyb galay boqolaal katirsan ciidamada mujaahidiinta oo laba jiho weerarka kasoo qaaday, ciidanka Kenya iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah ayaa tuulada ka baxay markii xabaddu xoogeysatay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka mujaahidiinta aysan tuulada ku negaan oo durbaba ay kasoo bexeen maadaama qorshahoodu ahaa in ay cadawga Oof wareemaan kadibna kasoo laabtaan.

Dhimashada ciidanka Kenya ayaa gaartay 8 halka Maleeshiyaadka Soomaalida ah laga dilay 11 Askari, saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka dagaalka iyagoona sheegay in ay dib kasoo faah faahi doonaan.

SomaliMeMo oo xariir lasameysay dhanka Dhoobley ayaa loo xaqiijiyay in dhaawacyada ciidanka Kenya iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah aan weli lagasoo qaadin Taabto sababa laxariiray wadada oo ay ka taagantahay cabsi ah in ciidanka Shabaab ku jiraan oo ay suganayaan dhaq dhaqaaqa wadada kajira.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...