Friday 13 January 2012

W/Galbeed Somaaliya "Somaliland" Waxaa Cudurka HIV la ildaran 6,290.


Written by Administrator on .
somalimemo.netGuddoomiyaha la Dagaalanka AIDS-ka u qaabilsan maamulka Somaliland Maxamed Daahir Khayre ayaa shaaciyay in uu faro ba'an uu ku hayo dadka ku nool deegaanka maamulkaasi ka taliyo xannuunka halista ah ee HIV/AIDS-ka.
Ninkan oo shalay warbixin uu u jeediyey Golaha uu ka tirsanyahay ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyey xaaladda xannuunkani marayo, isagoo sheegay in muddadii u dhaxaysay sannadihii 2004 ilaa 2010 laga baadhay dad tiradoodu gaadhayso 11,729 (Kow iyo tobban kun, toddoba boqol iyo laba iyo labaatan) qof, kuwaasoo cudurkan laga helay 2,174 (laba kun, boqol iyo toddobaatan iyo afar) qof, halka sannadkii 2011 laga baadhay dad tiradoodu tahay 6,290 (lix kun, laba boqol iyo sagaashan) ruux, isla markaana xannuunka HIV/AIDS laga helay 4,93 oo qof.
Dadkii la baadhay waxay shaqooyinkoodu kala ahaayeen Dirawaliinta xuduudaha iskaga talaaba 37% ayaa laga helay cudurkan, dadka qaadka ka ganacsadda 21% ayaa qaba, dadka makhaayadaha ka shaqeeya 15% ayaa qaba HIV/AIDS, dadka guri joog ah 14%, Hablaha markii hore Jabuuti ka shaqayn jiray 6%, Tukaamadda ganacsiga ee yaryar ee ku yaala meelaha xuduudaha ah 1.8%,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka AIDS-ka Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadkii laga helay cudurkan HIV/IADS muddadii u dhexeysa 2004-2010 ay 1,199 ka mid ahi ahaayeen dumar, halka 975 kalena rag yihiin, tirada isku darkooduna tahay 2,174 qof. Sidoo kalena waxa uu soo bandhigay daraasado uu Komishanka AIDS-ku sameeyay sannadihii 1999 kii, 2004tii, 2007dii iyo 2009kii, kuwaas oo celcelis ahaan cudurkani marayay 0.9% ilaa 1.4% boqolkiiba, isagoo sheegay in goobaha daraasadan laga soo ururiyay ay kala yihiin Hargaysa, Berbera, Boorama iyo Laascaanood.
Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa ah arrin aad looga naxo halka ay marayaan dadka Mulislimiinta ah ee ku hoos noo maamulkaasi arxanka daran ee ummadda kusoo fassaxay Itoobiyaanka xanuunada halista badan qaba, iyagoo haatan og dhibtaasi isla markaasina warbixinahan kasoo saaraya aayaanay suuro gal ahayn in ay tallaabo qaadaan maadaama Itoobiyaanku uu maamulkaasi gumaysto oo aanay suuro gal ahayn in ay xadka ka xirtaan ama ay baadhitaan isaga sameeyaan Itoobiyaanka faraha badan ee deegaanadaasi sida Xowliga ah kusoo galaya.
Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in Itoobiyaanku cadaawad ay u qabaan dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed darteed ay kusoo abaabuleed gabdho iyo rag Itoobiyaan ah oo lagu ogaaday in ay Aids qabaan kuwaasoo fududeeyay in si dhakhso ah cudurkaasi ugu faafo dhulka uu ka taliyo Maamulkaasi arxanka daran ee Somaliland.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...