Monday 17 June 2013

Dhacdo Naxdin Leh: Nin Xaaskiisa oo uur lahayd ku dilay Magaalada Baydhabo kadibne isagu Isdilay

Baydhabo(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in halkaas Saaka aroortii hore ay ka dhacday dhacdo xannuun badan oo ka mid ah dhacdooyinka aan inta badan looga baran bulshada Soomaaliyeed.
Sida uu warbaahinta  Raxanreeb u xaqiijiyey qof kamid ah dadka deegaanka kuna sugan  magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay,Saaka aroortii hore abbaare xiliga Salaadda Subax ayaa waxaa ka dhacday magaalada Baydhabo arin aad u fool xun oo noqotay hadal haynta ugu weyn ee maanta ka taagan magaalada Baydhabo.
Goobjoogaha aan ka waraysanay dhacdadan ayaa inoo sheegay in Nin kamid ah dadka deegaanka uu qori soo qaatay kadibne uu rasaas oodda kaga qaaday Xaaskiisa oo xiligaas lahayd Uur,xaaskii ayaa markiiba goobta ku geeriyooday .
Ninka dilka geystay ayaa markii uu hubsaday in Xaaskiisii iyo Cunugii ay Calsooha ku siday ay geeriyoodeen ayuu isne goobtii isku toogtay,Ninka ayaa la sheegay inuu maskaxda ka xanuunsanaa,wararka qaar ayaa sheegaya in Ninka dilka geystay oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Mursal Saneey uu Masayr dartiis u ugu kacay falkan foosha xun ee ka baxsan dhaqanka wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed iyo Diinta Suubban ee Islaamka.
Lamaanayaasha dhintaya ayaa la tilmaamayaa iney ifka kaga tageen Wiil  yar oo 5 jir ah,falkan ayaa ka dhacay Xaafadda Horseed ee magaalada Baydhabo,ciidanka booliska magaalada ayaa goobta gaaray waxayna baaritaano ku hayaan waxa keenay in C/risaaq Mursal Saneey uu xaaskiisa oo uur lahayd dilo kadibne uu Naftiisa gooyo.
Dhaqamadan Nuucan ah oo maqalka dhega dadka Soomaaliya ugub ku ah ayaa maalmihii danbe soo badanayey,waxayna noqoneysaa muddo Isbuuc gudihiisa ah dhacdadii 3-aad ee Qof Soomaaliyeed uu Naftiisa ku gooyo.

2 comments:

Anonymous said...

Upon the arriver of the threesome Kings in the 14, 2010, 12:40pm ESTHi
Kevin! car hire manchester In 2011, Coal black named milksop, sentence for a control board.


Visit my blog - car hire belfast

Anonymous said...

According to Lexus, cars delivered in Europe will feature a atomic
number 6 character would lose your settings upon exiting the camera app.

cheap car hire In that
respect's a lot Hither that is praiseworthy like the you buy into the rotation today?

My web page; car hire tenerife

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...