Sunday 26 December 2010

Al-Shabaab oo ‘Sanadkan’ Magac Cusub u Bixisay

Saraakiisha Shabaab ayaa guud ahaan bilaabay adeegsiga magac cusub oo ay ugu yeerayaan sanadkan iyadoo marka ay ka hadlayaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan u adeegsada magacaasi.
Magacaasi cusub ayaa ah [Caamul Jamaacah] oo micneeheedu yahay ‘sanadkii midowga’ kaasoo ka yimid isku biiristii labada urur ee Shabaab iyo Xisbul Islaam, iyadoo maalintii ay dhacday xafladii labada dhinac ay iskula biireen looga dhawaaqay magacaasi.
Afhayeenada Shabaab ayaa marka ay ka hadlayaan warbaahinta waxaad maqleysa iyagoo adeegsanaya magacaasi, waxayna xita bilaabeen in waraaqaha warsaxaafadeedyada ee ay saxaafada siiyaan ku soo qoraan ‘Caamul Jamaacah’.
Afhayeenka dhanka ciidanka Sheekh C/casiis abu Muscab oo si gaar ah uga hadlay adeegsiga magacaasi ayaa sheegay in magacaasi uu la bilawday sanadka cusub ee hijriga 1432 oo toddobaadkan bilawday.
Wuxuuna dadka ugu baaqay inay soo dhoweeyeen talabadii kooxdii Xisbul Islaam ugu biireen Shabaab
Sii Akhri 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...