Wednesday 15 December 2010

Guddiga ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo dhinacyada isku haya Muqdisho ka dalbaday iney furaan wadooyinka dagaalada ku xirmay ee gala suuqa

Guddiga ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa codsi u diray dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho iney furan wadooyinka soo gala Suuqaasi oo ku xirmay dhamaantood dagaalada ka socda magaalada ee dhexmaraya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia oo dhinac ah iyo xoogaga ka horjeeda.
Cali Maxamed Siyaad (Cali-dheere) oo ah gudoomiyaha guddiga ganacsatada ee suuqa Bakaaraha oo arintan ka hadlayey ayaa intaa ku daray in hadda suuqa laga soo galo wado wareeg ah oo ka gasha dhinaca warshadaha taasna ay dhibaato ku qabaan ganacsatada suuqa iyo weliba dadkii u soo dukaameysi jiray suuqa, wuxuuna xusay in wadadaasi ay mararka qaarkood la xiranto amaan dari ama gaadiid xamuul kasoo qaaday dekeda oo ku dhex rogmada.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...