
Muqdisho (RBC) Afhayeenka mamulka Shabaab ee magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo tiro badan ay diyaarsadeen si ay weerar ugu soo qaadaan magaalada Muqdisho oo ay ku dagaalamayaan ciidamada DKMG, Amisom iyo xarakada Shabaab.
Afhayeenka Shabaabka Kismaayo ayaa hadalkan ka sheegay mudaaharaad shalay galab lagu qabtay fagaare ku yaala gudaha magaalada Kismaayo kaasoo ay ka soo qeybgaleen dadweyne tiro badan.
Mudaaharaadkaasi oo uu soo abaabulay maamulka Kismaayo ayaa ujeedkiisu ahaa in taageero loogu muujiyo kubiiristii Xasan Daahir Aweys uu ku biiray xarakada Shabaab, waxaana goobtaasi laga jeediyey khudbado ay dadka u jeedinayeen saraakiil ka tirsan Shabaabka.
“Waxaan u soo soconaa sidii aan Muqdisho uga saari lahayn inta yar ee gaalada [Amisom] ee ku hartay qeybta yar ee magaalada Xamar” ,ayuu yiri Xasan Yacquub.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment