M. Tarsan, Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Muqdisho
Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa lagu wadaa in deegaanada Puntland uu soo gaaro wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan.Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada cayaaraha gobolada Soomaaliya ahna Wasiiru dowlaha Maamul wanaaga iyo Arimaha Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in wafdi uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ay soo gaari doonaan Puntland.
Mudane Gaashaan ayaa waxaa uu sheegay in Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Tarsan uu la soo xiriiray Guddiga qabanqaabada cayaaraha gobolada ee ka socda magaalada Garowe, isagoo ka codsadey in loo ogolaado ka soo qeybgalka cayaaraha gobolada Soomaaliya, iyadoo codsiga ka yimid Duqa magaalada Muqdisho na ay aqbaleen Guddiga qabanqaabada cayaaraha.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment