Thursday 23 December 2010

Gaalkacyo:”Mustaqbalka Gaalkacyo Hal Dawlad ah bay yeelanaysaa”Cabdi Qeybdiid.

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wasiir hore ee Biyaha & Macdanta Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya Jen.Cabdi Xassan Cawaale (Qeybdiid) oo Mudooyinkii lasoo dhaafay kusugnaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa soo hadal qaaday maamulada Gaalkacyo kajira & Khilaafka dhexdooda ah,waxaana uu Wasiirku ugu baaqay in Shacabka loo turo islamarkaasna Gaalkacyo aanan dib loogu celin meeshii Madoobeyd ee ay kusugnayd Sagaashamaadkii.

Cabdi Xassan Cawaale Wuxuu sheegey in Magaalada Gaalkacyo ay shacabkeedu u baahanyihiin mideysnaan dhanka Maamulka ah,waxaana uu sheegey in uu ka rajo qabo in shacabka Gaalkacyo ay Waqtiyada soo socda ay ku midoobaan hal Maamul balse ma uusan sheegin in Maamulkaasi uu noqon doono kuwa hada jira Midkood ama Mid cusub.

“Waxaan halkaan u imid inaan la taliyo Dadka Gaalkacyo,Waxaan ka xumahay Dagaalada soo noqnoqda ee Gaalkacyo ka dhacaya,Waxaan rajeynayaa in dadku ay tashadaan oo ay Mustaqbalka Gaalkacyo yeelato hal maamul”Ayuui yiri Cabdi Qeybdiid oo hadalkan u jeediyey qaarkamid ah Ardayda wax ka barata Koonfurta Gaalkacyo.

Cabdiqani Xayir

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...