Thursday 23 December 2010

Munaasabad ay si rasmi ah ugu midoobeen Shabab iyo Xizbul Islam oo ka dhacdey Moqdisho




MUQDISHO (Mareeg.com) -  Munaasabad ay si rasmi ah ay ugu midoobayaan ururada Xisbul Islaam iyo Al-shabab ayaa manta waxa ay ka dhacdey masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdishu iyadoo munaasadaasi ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka kala socotay labada dhinac.
 


Sheikh Cali Maxamuud Raage (Sheikh Cali Dheere) oo ah afhayeenka Al-shabab oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeybgalay munaasabaddaasi oo ka dhacdey magaalada Muqdishu ayaa sheegay in midoobidda Shabab iyo Xisbul Islaam ay ahayd mid muhim u ah labad urur islamarkaana door muhim ah u noqon doonto dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowladda Kmg Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika ee AMISOM.
 
Inkestoo aan si dhab ah aan loo ogeen kulankaasi in xaadir ku ahaayeen dhamaan masuuliyiinta ugu sareysa labada dhinac ayaa hadana waxaa munaasabaddasi ka soo qeyb galay Sheikh Cabdifataax Macalin Maxamed oo ah madaxii hore ee warfaafinta ururka Xizbul Islaam kaasoo in badan ka hadley ujeedka iyo hadafka ay isugu biireen Al-shabab iyo Xisbul Islaam.
 
Sheikh Cabdifataax ayaa waxa uu sheegay in Al-shabab iyo Xisbul Islaam ay isugu biireen Siyaasad ahaan, mid dhaqaalo iyo mid dagaalba waxaana uu intaa ku darey in ay sii laba jibaari doonaan dagaalada xoogan ee ay kula jireaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa ururka Midowga Afrika ee AMISOM.
 
So kestaba ha ahaatee munaasana ay manta sida rasmiga ay u wada qabteen Al-ashabab iyo Xiasbul Islaam ayaa kusoo aadeysa xilli Al-shabab ay lawareegeen dhaamaan deegaanaddii iyo aagagii dagaalka ee ay gacanta ku hayeen ururka Xisbul Islaam ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...