Dalkaan waa u caado in aad maalin kasta aad maqasho wax kaa yaabiya ama ku cabsi geliyo qalalaaaska dagaalkana waa midka mar kasta loo qiil dayo sidoo kale la yaab kuma ah in shaqsi caan ah uu durbaan u garaaco balaayo hor leh balse waxaa maanta mar kaliya reer Muqdisho ka yaabisay habdhaqanka Idaacada Shabelle Radio oo markeeda sidii Idaacada Rwanda markaan dagaal beeleed shambalka u tumeysa.
Idaacada Shabelle ayaa si buuxda garaarka ugu soo xeratay in ay mar kale dib u soo celiso dagaaladii hore loogu riiqmay ee Soomaali ay ku weysay saraakiil waxgal ah iyo aqoonyahano waxgarad haa, kaas oo horaantii 90aad dhexmaray Labo beelood oo walaalo ah, kana dhigay Magaalada Muqdisho mid kala qoqobmatay.
Sida la xusuusto Idaacadii Rwanda ee afka Dowladda ku hadli jirtay ayaa kaalin ka qaadatay dagaalkii dhexmaray Tutsi iyo Huto ee sanadkii 1994 xasuuqa badan loogu geystay beelaha laga tirada badnaa, waana wadada ay Shabelle hada ku socoto oo ay ugu gogol xaareyso dagaal ay ka dhex huriso beelaha Muqdisho ku wada nool, iyadoo sida muuqata horboodayaasha Idaacada Shabeele ay qaateen shaati qabiil mutuxan banaankana ay la yimaadeen qabyaladooda.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment