
Israsaaseyntaasi ayaan geysan haba yaraatee wax khasaare ah, waxaana maleeshiyaadka rasaasta furay oo la sheegay in ay ku sugnaayeen gudaha xero Dayax ay iska hor yimaadeen ilaalada Duqa Degmada Gaalkacyo oo iska caabiyey rasaasta lagu furay.
Weerarka maleeshiyaadkaasi ay ku qaadeen wafdiga Duqa Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii maamulka degmada Gaalkacyo oo horkacaya Saraakiil ka socota Hay’ada UNHCR ay isku dayeen in ay dhisme ka hirgaliyaan dhul ku yaala gudaha xero Dayax, taasi oo ay ka biyo diideen maleeshiyo sheegatay in ay dhulka leeyihiin.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment