Tuesday 28 December 2010

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Khudbadii ugu Horeysay kaga Hadlay Ku Biiriistii Al-Shabaab (Sawiro)

Afgooye (RBC) Xaflad balaaran oo shalay galabnimadii ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose loogana talagalay in lagu soo bandhigo qaabkii ay isugu biireen Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa waxaa khudbad dheer ka jeediyey Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Khudbadiisa ayaa Xasan Daahir Aweys wuxuu kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ku jiraan qaabkii ay isugu biireen isaga iyo Al-Shabaab iyo xaalada ay hadda kadib ku wada shaqeyn doonaan. Iyadoo hareerahiisa ay fadhiyeen saraakisha Shabaab oo ay ugu horeeyaan Sheekh Fu’aad Shongole iyo Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Xasan Daahir ayaa si gaar ah uga hadlay in sababta uu Shabaab uu ugu biiray ay tahay in la mideeyo maamulka balse aysan ahayn in iyaga laga diin fiicnaa. Wuxuuna yiri “Diinta ayaan ku midownay iyo manhajka saxda ah. Ninkii manhajka ka leexda isagaa ku ceebooaya”.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...