Saturday 11 December 2010

Saddex Wasiir oo ka tirsan Somaliland oo Xalay Shir Saxaafadeed Wadajir ah kaga Hadlay Diyaarada lagu Qabtay Hargaysa

Hargeysa (RBC) Saddex wasiir oo ka mid ah wasiirada maamulka Somaliland oo xalay si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id ayaa faahfaahin ka bixiyey diyaarad shalayto lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, taasoo la sheegay inay siday qalab militari oo ku socday Puntland.
Wasiirka arimaha gudaha oo ugu horeyn ka hadlay shir saxaafadeedka ayaa sheegay in diyaarada ay ku soo xadgudubtay hawada maamulka Somaliland, isla markaana lagu hayo baaritaano xoogan oo ku aadan sidii xogdheeraad ah looga ogaan lahaa diyaarada.
“Anaga sida illaa hadda aanu ogaanay waxay diyaaradu ka timi wadanka South Afrika, waxayna soomartay Uganda iyo Kenya, waxayna sidaa qalab militari hase yeeshee intaa kaliya kuma koobnan doono ee waan siiwadi doonaa baadhista illaa aan ka gungaaro”, ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha Somaliland. 
Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...