Hargaysa (Idhanka) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay shaaca ka qaaday inuu Ciidamada kala duwan iyo shaqaalaha dawlada u kordhiyay mushaharkii ay qaadan jireen.Sidaasi waxa xalay baahisay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo sheegtay in qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) uu 100% u kordhiyay mushaharkii Ciidamada kala duwan ee dalka iyo shaqaalaha dawladda, waxaanu warku intaasi ku daray in mushahar kordhintan laga bilaabayo Bishan January 2011-ka.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment