Jigjiga (Idhanka) Madaxweynaha Ismamulka Somalida ee Jigjiga ee dalka Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Oo ay Wahelinayaan,Madax sar-sare ee ururka ONLF Kana mid yahay Gudoomiye ku-xigeenka Ururka Onlf Ay booqday xabsiga dhexe ee magalada Jigjiga.Xabsigaasi markii uu tagay madaxweynaha ismamulka Somalidu waxa uu Cafis u fidiyey maxaabiis dhan 402, kuwaasi oo isla goobtii lagu siidayey,ka sokow sii dayntan saaka ,ma aha markii ugu horeeysay ee uu madaxweynuhu u fidiyo cafis maxaabiista u xidhan,faldanbiyeedyada ONLF.
Mar uu Madaxweynuhu La hadlayay saxaafada,Ayuu carabka ku dhuftay,In sii daynta Maxaabiistan ay tiradoodu dhan tahay 402,ay la xidhiidho fulinta Heshiiskii Dawladu la gashay Ururka ONLF ee uu hogaamiyo Injineer Saalaxudiin Macow.
Madaxweynaha, oo sii Wata hadalkiisii ayaa tibaaxay, in Dawladda itoobiya,Iyo DDS,Ay Daacad ka yihiin Balanqaadyada Iyo heshiiska Ay galaan,Laguna xaqiiqsan karo Ayuu madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Yidhi,”Fulinta Sii Daynta Maxaabiistan”.Read More
No comments:
Post a Comment