Tuesday 8 March 2011

Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo maanta gudaha u galay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Talaado, 08 Maarso, 2011 (HOL) – Ciidamada DKMG Soomaaliya ayaa maanta gudaha u galay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaddib markii ay halkaas isaga baxeen xoogagii Xarrakatul Shabaab ee ku sugnaa, waxayna noqonaysaa degmadii saddexaad oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay dowladda Soomaaliya ka qabsatay Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada gudaha u galay degmada Ceelwaaq ay gaarayaan illaa 1000-askari oo lagu soo tababaray magaalada Siyoolow ee dalka Kenya, kana soo gudbay xuduudda u dhexeeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaal ka mid ah kuwa hoggaaminayay ciidamadan oo lagu magacaabo Kula-lihi ayaa shacabka ku nool degmada Ceelwaaq u sheegay inay is-dajiyaan loona sameyn doono degmadaas maamul hoostaga dowladda Soomaaliya.

Degmada Ceelwaaq ayay xoogagga Xarrakatul Shabaab isaga baxeen shalay kaddib markii lagala wareegay gacan ku haynta degmada Luuq iyadoo aanay wax dagaallo ah ka dhicin, lamana yaqaan halka ay ku sugan yihiin xoogaggiiXarrakada ee isaga baxay degmadaas.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaan weli ka hadlin la wareegidda degmada Ceelwaaq iyo sabibihii ay uga baxeen, waxaase ay afhayeenno u hadlay ay horay u sheegeen in degmada Buuloxaawo oo ay ka dhaceen dagaallo culus ay uga baxeen xeelad dagaal.

Mr. Kula-lihi ayaa sheegay in ciidamadooda dowladda KMG ah aysan u jeeddoodu ahayd inay la wareegaan gobolka Gedo oo kaliya, balse ay doonayaan inay u gudbaan gobollada kale ee dalka oo ay ka taliso Xarrakaul Shabaab.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...