Thursday 31 March 2011

Shariif oo dhisaya maamul loogu magac daray Mahadaay State (Warbixin).

amiirnuur.comGaalada Midowde ayaa wada dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay kursiga dulufka ah uga tuureyso shariif Sheekh Axmed madaxa Kooxda camiilada ah ee gaalada u deegta.

Shariif Sheekh Axmed oo xaqiiqsaday in gaalada caalamka aysan waqti dheeri ah ugu dareyn hogaaminta DKMG ah ayaa bilaabay in uu maaweeliyo shakhsiyaad damiir laawayaal beeshiisa ah.

Wafdi katirsan Qurba joogta beesha Mudulood gaar ahaan kuwa la shaqeeya hay'adda UNDP ayaa dhawaan yimid Muqdisho waxayna kulamo laqaateen Shariif Sheekh Axmed si ay qeyb uga noqdaan dadaalada ladoonayo in lagu kala qeybiyo umadda Soomaaliyeed.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in hay'adaha gaalada aduunka ay mas'uul ka yihiin dhismaha deegaan Gobaleedyada ay dibadaha uga dhawaaqayaan shakhsiyaad damiir laawayaal ah oo magac beeleed wata.

Cadawga umadda ayaa dhisay maamulada kala ah Somaliland,Puntland,Galmudug oo ah Sedax maamul oo deegaanno baaxad leh maamula dhamaantoodna leh calamo u gooni ah waxayna isku arkaan maamulo kamadax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Sanadadii lasoo dhaafay waxaa soo baxay jufa hoosaadyo katirsan beelaha Soomaalida ayaa dibadaha uga dhawaaqay maamulo loogu magac daray tuulooyin.

Waa shaqooyinkii ay gaalada aduunka ugu talagaleen in ay ku kala qeybiyaan umadda Soomaaliya iyagoo adeegsanaya khuwano diintooda iyo dadnimadooda iibsaday.

Shariif oo fulinaya awaamirta gaalada aduunka ayaa qorsheynaya in uu dhiso maamulo loogu magac daray deegaano ay degto beeshiisa sida maamul loogu magac daray Waax iyo Waadi iyo mid kale oo dhawaan lagu dhawaaqi doono oo loogu magac daray Mahadaay State.

Mahadaay waa degmo katirsan Shabeelaha Dhexe oo ay Mujaahidiinta Somaaliya maamulaan sidey maamul Goboleed ku naqan doontaa? arrintan waxay kamid tahay waalida khuwanada Soomaalida ah iyo khiyaamada ay shacabka la damacsanyihiin cadawga.


AmiirNuur Media Isha Wararka Somalida

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...