Tuesday 29 March 2011

Shabaab oo qalabkii FM-ka IQK ka raray Muqdisho (Warbixin)

Idaacada ku hadasha Codka Alshabaab ee la yiraahdo IQK oo ka howl galeysay Magaalada Muqdisho ayaa markii u horeysay qalabkeeda laga raray, iyadoo mowjada ay Idaacadaas ka soo galeysay ay hada dul saaran tahay Idaacad kale oo dhowaan uu keensaday Wasiirkii hore Warfaafinta Dahir Geelle, kadib markii Idaacadiisii gaarka aheyd lagala wareegay.

Tan iyo markii magaalada Muqdisho ka bilowdeen dagaalka warbaahinta ayaa waxaa dhinacyada isku haya siyaasada adeegsanayeen barobagaano kala duwan, iyo hadalo lid isku ah, oo ku wajahan dagalada iyo siyaasada dalka, waxaana kadib bilowday arbushaad dhanka Mowjadaha ay ka soo kala galeen.

Qalabkii Idaacadii IQK ee ku hadleysay codka Alshabaab ayaa loo raray duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaanka KM13, kadib markii sida muuqata Idaacada Muqdisho ka soo wajahay culeysyo ay ugu weynaayeen dhanka mowjadaha oo dhowaan la kor saaray Radio Muqdisho.

Idaacadaas ayaa haatan laga dhageystaa qeybo ka mid ah deegaanada loo barakacay, iyadoo halkaas ka abushta Radio Muqdisho, waana qeyb ka mid ah abaabulka dagaalka ee warbaahinta ay dhinacyada kala duwan la safan isku hayaan.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa yaraaday dhageysiga IQK ee Caasimada Muqdisho, waxaana qeybta Warfaafinta Shabaab ay wadaa abaabul ballaaran oo ay ku ballaarineyso qalabkeeda war laliska, kadib markii sida muuqata loogu awood sheegtay awood dhanka FM-ka ah.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...