
Wareegtada amarkan lagu faray ayaa laga soo saaray maanta kadib kulan wadajir ah ah oo ay wasaarada diinta iyo maamulka gobolka Banaadir la qaateen culimada iyo imaamyada masaajidada waaweyn ee magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sida la isu waafajinayo xilliyada salaadaha iyo ganacsiga, iyadoo guud ahaan la faray ganacsatada in gansiga ay joojiyaan maalinta Jimcaha xilliga salaada.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo gabagabadii kulanka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in kulankii ay la yeesheen ganacsatada, culimada iyo imaamyada masaajida la isku afgartay in si wadajir ah xilliga salaada Jimce looga tukado masaajidada magaalada isla markaana la xiro ganacsiga.SII Akhri
No comments:
Post a Comment