Friday 25 March 2011

Qarax Xalay ka Dhacay Masjid ku Yaalla Deegaanka Ceelasha Biyaha


 
Muqdisho (RBC)  Wararka laga helayo dad ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay deegaankaasi laga maqlay qarax bambo kaasoo illaa hadda aan la ogeyn cida geysatey.
Sida uu RBC Radio saaka u sheegay qof aan dooneyn in la magacaabo waxaa qaraxu uu ahaa labo bambo oo nooca gacanta laga tuuro ah kuwaasoo lagu weeraray Masjid lagu magacaabo Sheekh Rufaaci oo ku dhow wadada Laamiga ee dhexmarta deegaanka Ceelasha Biyaha.
Falka ayaa lala beegsaday, sida goobjoogayaashu sheegeen xubno ka mid ah saraakiisha Shabaab oo xilligaasi ku sugnaa majidka. Wararka qaar ayaa sheegaya in masjidka markaasi ay ka socotey muxaadaro uu jeedinayey mid ah saraakiisha Shabaab oo looga hadlayey in Dhalinyaradu ka qeybqaadato dagaalka.
Labada bambo oo isku mar aha ayaa la sheegay in derbi [gidaar] gadaashiisa laga soo tuurey isla markaana la garan waayey cida soo tuurtey.
Illaa hadda waxay warar kala duwan ka soo baxayaan khasaaraha uu geystey qaraxaasi, waxaana la sheegayaa in ugu yaraan 1 ruux uu ku geeriyooday halka dhaawacyaduna ay gaarayan illaa 8 ruux.
Lama oga in khasaaraha dadka uu soo gaarey ay yihiin rayid iyo inay saraakiil Al Shabaab ahi ku jiraan, maadaama waqtiga qaraxu dhacay ay ahayd waqti ku beegan abaare 7:00 fiidnimo oo dad badan masjidka u joogeen Salaada Cishaha.
Sida xogta ku heleyso RBC Radio, ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay markiba isku gedaamay goobta iyagoo xirey dhamaan wadooyinka waxayna halkaasi ka qabqabteen dad dhowr ruux ah oo ay geeyeen saldhig ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.
Ma jirto illaa hadda wax faahfaahin ah oo saraakiisha Shabaab ka sheegeen weerarka xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo hoy u ah dadkii ka barakacay xaafadaha caasimada Muqdisho.
Wuxuuna qaraxan noqonayaa kii ugu horeeyey ee Saraakiil Shabaabka ka mid ah lala beegsado oo ka dhaca deegaanka Ceelasha Biyaha oo maamulkiisa ay kala wareegeen kooxdii burburtey ee Xisbul Islaam, dhowr bilood ka hor.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...