Saturday 26 March 2011

Caabudwaaq: Ahlu Sunna oo Xirtay Qaar ka mid ah Dugsi Quraanka Degmadaasi

Muqdisho (RBC) Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada ururka Ahlu Sunna ee degmadasi ay qaadeen hawlgal ay ku xirayaan dugsiyada Quraanka qaarkood kuwaasoo ay ku eedeeyeen in lagu barto waxyaabaha ka baxsan diinta.
Hawlgalkan oo bilawday maalintii shalay ayaa sababay in irdaha loo laabo illaa 10 dgsi Quraan oo magaalada ku yaalay kuwaasoo carruur badan ay wax ka baran jirtay, isla markaana saraakiisha Ahlu Sunna ay sheegeen inay dhaliileen qaabka carruurta wax loo baro ayna ka shakiyeen in macallimiinta dugsiyada ay carruurta u akhriyaan waxyaabo keeni kara inay falal amni daro fuliyaan.
Warar kale ayaa sheegaya in saraakiisha Ahlu ay sheegeen inay dhaliileen sida loo akhriyo Quraanka oo ah “Qiraa’ada Tajwiidka” oo dugsiyadaasi carruurta lagu bari jirey.
Wararka ayaa intaa ku daraya in macallimiinta qaar ee dugsiyada joogay lagu wargelyey inay xiraan dugsiyada ama ay isaga tagaan.
Saraakisha Ahlu Sunna ayaa horey u xirey masaajido ku yaaley degmadaasi oo ay kala wareegeen maamuladii masaajida kadib markii ay ku tuhmeen inay u yihiin dad u adeega Al Shabaab isla markaana raacsan fikirka kooxda Shabaab.
Hawlgalkan ayaa saameyn ku yeeshay madaaris fara badan oo Quraanka lagu dhigi jirey kuwaasoo magaalada Caabudwaaq ka furnaa, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inaan Ahlu Sunna lagu aqoon amaro noocan oo kale ah.
Ma jirto wax hadal ah oo maamulka degmada Caabudwaaq iyo saraakiisha amaanka ka soo baxay oo la xiriira amarkan oo sababay in maanta iyo shalay ay xirmaan illaa 10 dugsi Quraan oo ku yaalay degmadaasi.
Gobolka Galgaduud oo ururka Ahlu Sunna qeybo ka maamulo ayaan horey aaney uga dhicin wax amar ah oo noocan oo kale ah.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...