Sunday 27 March 2011

Cabdi Raxiim Ciise oo la' Meel uu ka galo Maxamed Dheere Kadib markii uu Sawirro Bahdil ah ka qaaday (Warbixin).



amiirnuur.comKadib markii Maxamed Dheere Xabsiga lagasoo daayay ayay saraakiil katirsan DKMG ah oo ku lug lahaa xarigii  Maxamed Dheere soo wajahday cabsi xoogan oo kaga imaaneysa Maxamed Dheere.


Cabdi Raxiin Ciise Caddow oo kamid ah gacan yarayaasha Shariif ayaa la' meel uu isku qariyo kamid markii hanjabaad xoogan uga timid Maxamed Dheere iyo taageerayaashiisa.

Ina Ciise Caddow ayaa ahaa shakhsigii qaaday sawirro lagu bahdilay Max'med Dheere isagoona si bareer ah Webisite-yada ugu faafiyay Maxamed Dheere oo Gacmaha ka xiran oo ay qoorta ka hayaan Maleeshiyaad hubeysan muuqaalkaasi oo Taariikh Madoow u noqday M.dheere.

Ilo wareedyo ayaa noo sheegay in Qaraabada Cabdi Raxiin Ciise ay maanta duhurkii xariir lasameeyeen Max'med Dheere saacado kadib markii lasoo daayay wuxuuna u sheegay in uu talaab ka qaadi doono Cabdi Raxiin Ciise.

Markii soo baxay warka sheegaya sii deysmada M.Dheere ayuu Cabdi Raxiin Ciise ka cararay xarunta RadioMuqdisho oo uu qeyb ka deganaa wuxuuna ka shakiyay qaar katirsan shaqaalaha Idaacadda oo ay Max'med Dheere qaraaba hoose yihiin.

Dad ku sugan Villa Somaliya ayaa soo sheegay in Ina Ciise uu Hooskii ka cararay islamarkaana uu galabta gaaray xarunta Villa Baydhabo oo si KMG ah xarun ugu ah shariif.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...