Wednesday 30 March 2011

Saraakiil Qaramada Midoobay Ka Socotay Oo Koonfurta Gaalkacyo Lagu Weeraray

Gaalkacyo (RBC Radio):- Waxaa maanta hotelka Embassy ee koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug lagu weeraray Saraakiil ka socota xafiisyada Qaramada Midoobay, kadib booqasho gaaban oo ay ku tageen halkaasi.
Saraakiisha Qaramada Midoobay ee booqanayey koonfurta Gaalkacyo ayaa ahaa kuwa usii gogol xaarayey wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Guud ee Hay’ada UNHCR qeybteeda Soomaaliya Mr, Buruno Geddo oo doonayey in uu halkaasi booqasho kusoo kala bixiyo.
Koox dabley ah oo aan cidna ka amar qaadan ayaa la sheegay in ay weerareen hotelka ay ku sugnaayeen xilligaasi Saraakiisha Qaramada Midoobay, waxayna isku geedaameen dhamaan dhinacyada Hotelka Embassy iyagoo sheegay inaysan bixi karin dhamaan xubnaha ka socda Qaramada Midoobay oo ay hotelka gudihiisa ku jirayaan iyagoon caddeyn sababta keentay in ay Saraakiisha ku xanibaan gudaha hotelka iyagoo awood sheeganaya.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan amaanka iyo nabadgelyada ayaa markii dambe ku guuleystay in Saraakiisha Qaramada Midoobay ay si nabad gelyo ah uga soo saaraan xaafada Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo islamarkaana ay dib ugu soo laabtaan xaruntooda waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Ma jirto ilaa iyo iminka cid ka hadashay dhibaatada dableyda ay ku khal khal geliyeen xubnaha Saraakiisha Qaramada Midoobay ee booqanayey koonfurta Gaalkacyo si ay ugu gogol xaaraan wafdiga Qaramada Midoobay ee halkaasi doonayey in ay tagaan, waxaase sidoo kale aanan jirin wax raali gelin ah oo laga bixiyey isku daygii rabsho ee maanta ay geysteen kooxdaasi dableyda ah.
Waxaa warar lagu kalsoon yahay oo RBC Radio ay u sheegeen dad xog ogaal ahi ay sheegayaan in maleeshiyaadka khal khal geliyay shaqaalaha samafalka ee Qaramada Midoobay ay yihiin kuwa ka soo horjeeda oo aan ka amar qaadan maamulka Galmudug, balse ay yihiin koox rabshado wadayaal ah oo ku sugan koonfurta Gaalkacyo.
Waa markii ugu horeysay ee caqabad noocani oo kale ah ay Saraakiil Qaramada Midoobay ka tirsan ay ka soo wajahdo koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana arintani ay ku soo beegmaysa xilli Qaramada Midoobay ay daneyneyso in ay taageerto shacabka iyo maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.
RBC Radio.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...