Thursday 24 March 2011

Dagaal xoogan oo ka dhacay degmada Luuq ka dib markii ay degmadaasi weerareen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (RBC Radio) Dagaal xoogan ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Luuq ee gobalka Gado.
Dagaalkaan ayaa waxa uu u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya eek u sugan degmada Luuq iyo xoogaga Al-Shbaab ee horay looga qabaday degmadaasi Luuq.
Dagaalka ayaa waxa uu ka danbeeyay sida la sheegay ka dib markii ciidamada xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Degmada Luuq.
Wali lama oga inta uu la egyahay khasaaraha uu geestay dagaalka xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobalka Gado iyo waliba khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada xarakada Al-Shabaab ee weerarka halkaasi ku qaaday ay dib u labteen isla markaana ay ku suganyihiin meel ku dhow degmada Luuq ee gobalka Gado.
Sidoo kale wararka ka imaanaya degmada Luuq ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay iyana ku suganyihiin gudaha degmada Luuq.
Dhowaan ayay ahayd markii ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen degmooyin ka tirsan gobalka Gado oo ay k mitahay degmada Luuq ee gobalka Gado.

RBC Radio (Raxanreeb.com)

Xafiiska Wararka Muqdisho
Email.raxanreebmuqdisho@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...