Friday 25 March 2011

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlsuna oo ku baaqay khilaafka Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlaamaanka in wada hadal lagu dhameeyo

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka iyo muranka ka dhaxeeya madaxweynaha soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif xasan shiikh aadan, iyagoo ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo.

Bayaan ka soo baxay Culumaa'udiinka ayaa ka dambeeyay markii ay sii xoogeysteen khilaafka dhanka muddo kordhinta baarlamaanka iyo arrinta doorashada oo Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay ku kala aragti duwan yihiin.

"Marxalada dalka uu ku jiro, ee ah xaalada dagaal iyo dib u xoreynta, iyadoo la eegayo guulaha ay gaareen ciidamada qaranka, waxaa ugu baaqeynaa madaxda in khilaafkooda wada hadal ku dhameeyaan"ayaa lagu yiri bayaanka oo maanta jimco ah ka soo baxay.

Sidoo kale waxay Culimda sheegeen in khilaafkan iyo is heysadka uu yahay mid faa'ido u noqonaya kooxaha nabada iyo dowladnimada diidan, waxaana ay intaa raaciyaan in shacabka soomaaliyed aan war farxad leh u arkeyn khilaafkan.

Culumaa'udiinka ayaa ugu dambeyn ka dalbaday madaxda ugu sareysa inay sameeyaan tanaasul kasta oo lagu bad baadin karo qaranka iyo shacabka soomaaliyed, iyadoo dalka ay ka jiraan colaado iyo abaaro, si taas loo eegana la sameeyo wax kasta oo khilaafka meesha ka saari kara.

Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa xoogeysanaya khilaafka Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo haatan salka ku haya arrimo badan oo ugu weyn tahay muddo kordhintii baarlamaanka iyo doorashada la filayo in bisha Agosto la qabto.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...