Thursday 31 March 2011

War deg deg: Dagaal culus oo fiidnimada caawa ka soconaya degmada Boondheere

Dagaal culus oo la isu adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa fiidnimadan caawa ka socda Xaafado ka tirsan degmada Boondheere, halkaas oo ah aagag ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab.

Wariyaheena Muqdisho ayaa soo sheegaya in xabada ay si xoog leh uga dhaceyso aagaga degmadaas, gaar ahaan fariisimo dhufeysyo ah oo dhowaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Hugunka Madaafiicda Taangiyada ayaa si weyn loo maqlayaa iyo hubka cul culus ee boobayaasha iyo madaafiicda garbaha laga tuuro oo si saf ballaaran looga maqlayo Boondheere.

Dagaalka ayaa hada socda ku dhowaad labaatan daqiiqo, waxaana marka loo eego yahay dagaal qorsheysan oo Al-Shabaab ay dhowr jiho kaga soo qaaday Boondheere, maalmo kadib markii laga saaray dhowr dhufeysyo godod u badnaa.

Xaafadaha degmooyinka Xamar weyne iyo Shingaani ayaa si weyn ay saameyn ugu yeelatay dagaalada culus ee ka soconaya Boondheere, iyadoo si aad ah looga maqlayo madaafiicda iyo hubka la is weydaarsanayo.

Dagaalada ayaa xoogooda waxay ka socdaan inta u dhaxeysa Dhismaha Wasaaradii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta ilaa Wasaarada Arrimaha Gudaha oo xaafado u dhow dhow oo uu ka mid yahay Dugsigii Wiil-Waal iyo Hotelkii Caalimow dhowaan qabsadeen Ciidamada Dowladda.

Xadiga dagaalada caawa ayaa ah mid ka culus kuwii maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay degmadaas, kuwaas oo ahaa dagaalo goos goos oo aan waqtiyeysneyn.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...