Thursday 24 March 2011

Taliyaasha ugu Sareeya Ciidamada Burundi iyo Uganda oo Socdaal ku Yimid Muqdisho

Muqdisho (RBC) Waxaa mudo 24 saac ah magaalada Muqdisho ku sugan saraakiisha ugu sareysa ciidamada labada dal ee isu baheystey hawlgalka Amisom ee Uganda iyo Burundi kuwaasoo shalay soo gaarey Muqdisho.
Saraakishan oo kala ah Taliyaha guud ee ciidamada Ugaanda Gen. Aronota Nayakumi iyo Taliyaha guud ee  ciidamada Burundi  Afraayt Nayomber ayaa markii shalay ay yimaadeen Muqdisho waxay kulamo la qaateen masuuliyiinta sare ee DKMG Soomaaliya sida madaxweynaha Sheekh Shariif iyo raisul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay kala hadleen arimaha dagaalada ay kula jiraan xoogaga Shabaab.
Labadan sarkaal ayaa gelinkii dambe ee shalay kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka beelaha Muqdisho oo ay ugu horeeyaan Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo Maxamed Xasan Xaad oo iyaguna ay kala hadleen dareenka bulshada iyo sida ay dadka u taageeri lahaayeen hawlgalada ay wadajirka u wadaan ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG ah.
Labada sarkaal oo sidoo kale u waramay saxaafada ayaa sheegay in qorshaha imaashahooda uu yahay sidii loo sii wadi lahaa dagaalka isla markaana Muqdisho oo dhan looga saari lahaa ururka Al Shabaab.
Waxay balan ku qaadeen in maalmo kooban ay ku soo afjari doonaan dagaalka Muqdisho iyagoo ku hanjabay in ilaa Suuqa Xoolaha oo ah dhinaca shishe ee Muqdisho ay gacanta DKMG soo gelin doonaan.
Saraakiisha ayaa xalay ku hoyatay xarumaha ciidamada ee Xalane halkaasoo ay kulamo xasaasi ah kula yeesheen saraakiishooda dagaalka ee saldhiga Amisom ugu weyn Soomaaliya kaasoo sida la sheegayo lagu jeexjeexay kaartada dagaalka.
Beryaha soo socda ayaa la hdal hayaa in Amisom iyo ciidamada DKMG ay qorsheynayaan guluf weyn oo ay ku doonayaan in guud ahaan Muqdisho kaga faro maroojiyaan Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...