Tuesday 29 March 2011

Mid Ka Mid Ah Nabaddoonada Gobolka Bari Oo Boosaaso Lagu Dilay

Boosaaso (RBC Radio):- Fiidnimadii xalay ayaa waxaa bartamaha magaalada Boosaaso lagu toogtay Nabaddoon Axmed Salaad Ceynab oo ka tirsanaa Nabaddoonada gobolka Bari.
Dabley hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay Nabaddoonka rasaas la beegsatey xilli uu ka soo baxay masaajid ku yaala bartamaha oo uu ku soo tukaday, waxaana la sheegay in dableydii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabtey dilka Nabaddoon Axmed Salaad Ceynab, waxaana ciidamada Booliska Gobolka Bari ay wadaan baaritaano la xiriira cidda ka dambeysay dilka loo geystay Nabaddoonka dhintay.
Dilka Nabaddoon Axmed ayaa ku soo beegmaya xilli maalmo ka hor magaalada Gaalkacyo lagu toogtay Nabaddoon Xuseeen Cali Dude, iyadoo ilaa iyo iminka aan gacanta lagu soo dhigin ciddii dilkaasi geysatay, isla markaana ciidamada Booliska gobolka Mudug ay ku guul dareystay raadinta dadkii dilkaasi ku lugta lahaa.
RBC Radi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...