Thursday 24 March 2011

AMISOM oo sheegtay in Huriwaa iyo Yaaqshiid fariisimo ka dhiganayaan, xilli dagaaladii u dambeeyay ku hoobteen (Warbixin)

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa mar kale ka dhawaajiyay inay qorsheynayaan in fariisimo hor leh ka dhiganayaan Caasimada Muqdisho, xilli ay wajahayaan dhaliilo ku aadan dagaalada ay ka qeyb qaataan, iyo qasaaraha naf iyo maal ee dadka shacabka u geysteen.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Major Barigiye Bahoku oo maanta wareysi gaar siinayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha ku aadan in qeybo hor leh fariisin ka dhigtaan uu soconayo.

"Hadafkeena waa inaan fariisimo hor leh ka sameysano caasimada, gaar ahaan deegaanada Huriwaa iyo Yaaqshiid oo aan dooneyno inaan isku fidino"ayuu yiri Barigiye Bahoku.

Barigiye Bahoku ayaa sheegay in Ciidamo fara badan ay soo gaareen Caasimada Muqdisho, isagoo intaa ku daray in Ciidamadaas la dejin doono goobaha cusub ee laga wareego Al-Shabaab, isagoo aanu cadeyn tirada Ciidamada soo gaaray AMISOM oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Ciidamo ka kala tirsan Brundi iyo Uganda.
Inkastoo Ciidamada AMISOM dhowaan qaadeen guluf xoogan ayaa hadana waxaa jiray qasaaro baaxad leh oo ka soo gaaray, kadib markii ilaa afartameeyo askari looga dilay dagaaladii bishii la soo dhaafay ka dhacay Wadada warshadaha, halka mid ka mid ah Askarta Brundiga nolol ahaan lagu qabtay.

Laakiin is weydiintu waxay tahay sida AMISOM xilligan goobaha ay cayimatay ku gaari karaan, xilli muddo bil ka badan ay dhaafi la'yihiin Dhismaha Wasaarada Gaashaandhiga oo xataa marka ay saanadooda u gudbisanayaan dhabarka dambe ka soo gala, iyadoo wali ay muuqato in Ciidamada Brundi si quman u saldhigan dhismahaas.

Ciidamada ka socda Uganda ayaa marka loo bar bar dhigo kuwa Brundi ay yihiin kuwo aad u kala duwan qaabka dagaalka, waxaana marka loo eego Shabaab ay yihiin kuwo ku soo carara Ugandeska oo meelaha fadhiisimaha ku leeyihiin dhowr jeer ay jabsadeen.

Dhaliilaha ugu weyn ee AMISOM loogu jeediyo dagaalada ayaa ka mid ah in Askartooda aanay efandari dhab ah gelin, marka la eegana ay yihiin kuwo Taangiyada iyo Baabuurta qafilan aanay dhulka ugu degin, kaliya xabado ku furaan iyagoo foorara oo hadba aan ogeyn meesha xabadaha looga soo ganayo.

Gudoomiyaha degmada Wada Jir Axmed Daaci ayaa dhowaan ku eedeeyay AMISOM in dagaalada aanay dhab ka aheyn, isagoo sheegay in wiilka Al-Shabaab ee wata Qoriga AK47 uu ku soo cararayo Askariga saaran taangiga, isagoo xusay in marka xabad yar lagu soo rido ay ku jawaabaan Madaafiic culus, taasoo keenta in bur bur dhismayaasha qaar.

Inta badan Daaraha Muqdisho waxay dhulka ula simeen madaafiicda taangiga iyo qoryaha kale ee ay ku garaacaan AMISOM, marka ay timaado in saraha looga soo rido qoryaha boobayaasha, iyadoo xilligan dhismayaal taariikhi ahaa ay iminka yihiin kuwo Ciidamada AMISOM si baaxad leh u bur buriyeen, sida Masaajidkii Qadiimiga ahaa C/casiis.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...